Arag sawirrada: Gabadha Obama oo makhaayad ka shaqeyneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha Bulshada ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa sawirro laga soo qaaday mid kamid ah gabdhaha uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Kamirada ayaa qabatay Sasha Obama oo ah gabadha uu dhalay Barack Obama oo raaxadii ay ku haysatay aqalka cad ku beddelatay inay ka shaqayso makhaayad lagu iibiyo cunnada fudud.

Gabadha oo 15 jir ah ayaa shaqo xilliga xagaaga ah ka billowday inay raashinka ka iibiso makhaayadda Martha’s Vineyard ee Massachusetts.

Sasha oo isticmaalaysa magaceeda buuxa ee Natasha, ayaa waxaa makhaayadda u raacay koox ka kooban lix qof oo ka tirsan ilaalada aqalka cad ee loo yaqaanno ‘Secret Service’ sida uu qoray wargayska the Boston Herald.

Gabadhaani oo ah mida ugu yar carruurta uu dhalay Barack Obama, ayaa ku labisan dareeska looga shaqeeyo makhaayada waxa ayna si hufan u gudaneysaa shaqo maalmeedkeeda iyada oo aan dareemin inuu dhalay Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Talaabadaani ay qaaday Gabadha Barack Obama kama dhalan wax dareen ah basle dadku waxa ay yihiin kuwo aan waxba u arag.
Obama 1

Obama 2

Obama 3