Sawirro: Hogaamiyaasha Muslimiinta oo go’aan ka qaatay Riyadii Trump ee Qudus & Qodobo dhowr ah oo laga soo saaray Shirka Istanbuul

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ka furmay Shirka ururka Iskaashiga Islaamka kaas oo  in ka badan 50 dal oo dunida muslimka ah isugu yimaadeen.

Madaxda wadamada kasoo qeybgalay Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa si wada jira u diiday go’aanka Maraykanka ee uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel.

Yousef al-Othaimeen, oo ah Xoghayaha guud ee Ururka ayaa Hogaamiyayaasha Dunida islaamka ku booriyay in ay ka wada shaqeeyaan si ay ula imaadaan jawaab mideysan oo ku aadan tallaabada uu Madaxweynaha Mareykanka Qudus uga dhigay caasimada Israel.

Xoghayaha guud ee Ururka Yousef al-Othaimeen ayaa ku nuuxnuuxsaday inay diideen oo ay cambaareeynayaan go’aanka Maraykanka, waxa uuna yiri “Tani waa xadgudub sharciyada caalamiga ah, waana tallaaba kicinaysa dareenka muslimiinta adduunka, waxayna abuuri doontaa xaalad xasilooni darro ah gobolka iyo adduunka.”

Madaxwaynaha Falastiin Mahmoud Abbas, oo ka hadlaayay shirka ayaa sheegay in Maraykanku u qalmin laftiisa inuu door ku yeesho mustaqbalka nabada Israel iyo Falastiin, waxa uuna yiri ‘’Talaabada Mareykanka waxa ay muujineysaa mid loogu xaglinaayo Israel’’

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale, hoggaamiyayaasha dalalka Muslimiinta ku baraarujiyay in Qudus ay u aqoonsadaan in ay tahay “caasimadda xoogga lagu haysto ee Falastiin”

Hadal kuu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go’aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil in uu yahay “waxba kama jiraan”.

Israa’iil ayaa hadda maamusho dhammaan Qudus, horey waxaa u maamuli jirtay Urdun. Yahuudda ayaa qabsaday magaalada intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-dii, waxayna u araktaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala qeybin karin.

Falastiiniyiinta waxay sheegayaan in bariga Qudus ay tahay caasimaddooda, balse waxay ahayd in looga xaajoodo kulamada keedi socodka nabadda.

Caalamka weli muusan aqoonsanin in Israa’iil ay u madaxbannaan tahay Qudus, dalalka oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaan magaalada Tel Aviv.

GO’AANNADII HALKAAS KA SOO BAXAY WAXAA UGU MUHIIMSANAA:

1-Madaxda dunida muslimka waxaa ay iska diideen go’aanka madaxweyne Trump uu Qudus uu ugu aqoonsaday magaalo madaxda Isra’il.

2-Waxaa mar kale lagu celiyay sida dunida Muslimka uga go’antahay garab istaagga reer Falastiin iyo sidii ay ku heli lahaayeen xuquuq dhameystiran.

3-Waxaa lagu celiyay in madaxdan ka go’antahay in Isra’il iyo Falastiin yeeshaan labo dal oo si nabad ah kuwada nool iyada oo bariga Qudus tahay caasimadda dalka Falastiin.

4-Waxaa kale oo lagu baaqay in dadaalladan Aqsa ku saabsan la sii wado, shir kale oo kan la mid ahna lagu qabto magaalada Jakarta ee dalka Indonesia.

5-Waxaa lagu sheegay war murtiyeedka in go’aanka Trump aanu sharciyad heysan isla markaana uu ka hor imaanayo qawaaniinta caalamiga gaar ahaan kuwa ka soo baxay golaha ammaanka.

6-Waxaa maamulka Mareykanka dusha laga saaray cawaaqib xumida ka dhalata go’aanka iyaga oo Mareykanka u soo jeediyay in uu faraha kala baxo geedi u socodka nabadda ee bariga dhexe.

7-Waxaa mar kale lagu celiyay in Qudusta Bari ay tahay caasimadda dalka Falastiin.

Si kastaba, madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka uu safaaraddiisa u rari doono magaalada Qudus mana jirin is bedel ku imaaday Go’aankiisa tan iyo markii ay bilaawdeen kacdoonada Dunida muslimka.