Sawirro iyo warbixin: Wafti Turkish ah oo tagay Puntland iyo Ujeedkooda

Waxaa maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Wafdi ka socday dawladda Turkiga iyo Ganacsato.

Wafdigan oo kasoo ambabaxay magaaladda Muqdisho ayaa diyaaradii wadey soo cagadhigay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso,waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Xubno kamid ah Gollaha Wasiiradda iyo boqolaal ka tirsan shacabka Boosaaso.

Wafdiga dalka Turkiga ayaa,waxaa hoggaaminayey qunsulka dalka Turkiga ee Soomaaliya Cumar Faaruuq,ganacsato,saraakiil ka socotay hay’adaha ka hawlgala magaaladda Muqdisho iyo Diblumaasiyiin.

Xubnaha wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa mudadii koobneyd ay ku sugnaayeen Boosaaso waxay booqdeen Garoonka diyaaradaha,Mareero iyo Dekedda weyn ee magaaladda Boosaaso.

3Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku qaabilay aqalka Madaxtooyada,waxayna ku yeesheen kulan is xog wareysi ah ,iyadoona Madaxweynuhu kusoo dhaweeyey Puntland Wafdiga.

Saraakiil ka tirsan aqalka Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u sheegay in Ujeedada xubnaha Turkiga u yimaadeen Puntland ahayd sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen maalgashi ay ku sameeyeen Dekeddaha Puntland,Garoomada diyaaradaha,Wadooyinka iyo soo saarka Macdanta.

Aqalka Madaxtooyada oo wafdigan qado sharaf loogu sameeyey ka dib ayey yeesheen Madaxweynaha Puntland kulan albaabadu u xirnaa isla markaana Saxaafadu dibad joog ka ahayd balse lagu sheegey iney kawada hadleen Iskaashi horumarineed oo dhexmara Turkiga iyo Puntland.

Dhanka kale dawladda Puntland ayaa kala hadashay Wafdiga Turkiga iney maagashi dhinacyo badan leh ku sameystaan deegaanada Puntland isla markaana ka qeybqaataan dib u dhiska Puntland sida Muqdisho oo kale.

Wafdigan uu hoggaaminayey qunsulka dalka Turkiga ee Soomaaliya Cumar Faaruuq ayaa dib ugu laabtay magaaladda Muqdisho oo markii horeba kasoo ambabaxeen,waxaana la filayaa iney dib ugu soo laabtaan Puntland.

DSC_8018DSC_8021DSC_8023IMG_8313IMG_8317IMG_8323IMG_8334IMG_8337IMG_8339IMG_8357IMG_8365IMG_8377IMG_8394IMG_8443IMG_8445IMG_8526IMG_8542IMG_8549
Isha: Raxanreeb