Sawirro: Khilaafkii xisbiga Kulmiye oo la xaliyey iyo 3 qodob oo la isku raacay

Guddigii Golaha Guurtida Soomaaliland u xilsaartay xalinta khilaafka soo dhexgalay Xisbi Xaakimka Somaliland ee Kulmiye ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanadii ay kasoo saareen wadatashigii ay la yeesheen labada dhinac ee kala hogaamiyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi.

Kulan maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayey kasoo qeyb galeen garabyada isku heysta xisbiga Kulmiye oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, halka dhanka kale ay hogaaminayeen Guddoomiyaha Xisbiga iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga ayaa soo saaray Sadex qodob oo ay khilaafka ku xaliyeen kuwaasi oo kala ah:

Goan-Kulmiye-070614-11- In La ansixiyey Golihii Fulinta iyo Golihii dhexe ee Guddiga Diiwaangelinta ansixiyey kaasi oo ah mid ay wateen Garabka Madaxweyne Siilaanyo.

2- In ay banaantahay in Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye dhexdiisa lagu tartamo cida noqoneysa Murashaxa, balse ay reeban tahay in murashaxiinta adeegsadaan astaanta Xisbiga intaan la gaarin wakhtiga loo cayimay ololaha doorashooyinka guud.

3- In xabsiga laga siidaayo dadkii loo xir xiray arrimaha siyaasada oo aan iyagu ku lug lahayn arrimaha amni xumada.

Gudoomiyaha Guurtida Suleymaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay go’aanka kasoo baxay guddiga dhex dhexaadinta ee Golaha guurtida.

Goan-Kulmiye-070614-2Markii guddiga ku dhawaaqay go’aanada kasoo baxay ayey hadalo kooban kasoo jeediyeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo labaduba sheegay inay aqbaleen go’aanada kasoo baxay Guddiga.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkiisa kusoo koobay inay aqbaleen guddiga dhex dhexaadinta maadaama ay horey u qoor-dhiibteen, halka Guddoomiye Muuse Biixi uu sheegay inuusan ku farxin qodobada qaarkood oo uu sheegay in dhinaca Madaxweynaha wax badan laga siiyey, balse wuxuu sheegay Muuse Biixi inuu ku khasban yahay inuu aqbalo isagoo eegaya danta Soomaaliland.

Isha: HM