Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Sidiiran Loogusoo dhaweeyay Magaalada Hobyo

Hobyo-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug Wefdiga Madaxweynaha  waxaa ka mida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo xubna ka socda labada Golle ee Dowlada Soomaaliya.

 Xildhibaano, Wasiiro,Masuuliyiin kala duwan iyo Bulshada Magaalada Hobyo ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo Ammaanka Magaalada Hobyo siweyn loo adkeeyey waxaana lafilaya wafdiga madaxweyanaha in uu kulamo la qaato masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Madaxweyne ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Cadaado oo uu Maanta tegay,waxaanalafilayaa  inta uu ku sugan yahay magaaladda Hobyo in uu xariga ka jari doono dekada Magaalada Hobyo oo ladoonayo indib loo furo.

DAAWO SOODHAWYNTA MADAXWEYNAHA EE MAGAALADA HOBYO

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com