Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ku soo dhoweeyey ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Booqashada madaxweynaha oo aan horey u shaacinay ayaa dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka dhaca gobolka (Halkan ka aqriso xogtii hore).

Xasan Sheekh ayaa wadahadallo gaar ah la yeelan doono Abiy Axmed oo ay ka wadahadli  doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa Madaxda dalka Itoobiya la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muhiim u yahay la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgallada socdo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-Shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga,”.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya ayada oo haatan Addis Ababa ay walaac ka qabto isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Qaahira.

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan. 

Intii uu socday kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ee July ka dhacay Qaahira, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la cambaareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay. 

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa barnaamijka ku macneeyey farriin ay Addis-Ababa usoo dirtay Muqdisho, sababtoo ah taleefishinka dowladda Itoobiya kama bixi karo barnaamij aysan dowladda raali ka ahayn.