Sawirro: Xassan oo gaaray garoonka Boosaaso iyo munaasabaddii furitaanka oo billaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow hoolka shirarka Garoonka Boosaaso gaaray madax aad u farabadan oo uu kamid yahay madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, Danjirayaasha Itly iyo Shiinaha u fadhiya Somalia iyo madax kale.

Hoolka shirarka ayaa waxaa hadda ka socda khudbado ay jeedinayaan madaxda Dowlada Somalia Somalia, Gobollada iyo Danjirayaasha Itly iyo Shiinaha waxaana makaroofanka marba lagu soo dhaweynayaa madaxdaasi.

Munaasabada lagu daah furaayo garoonka Boosaaso ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Siyaasiyiin ay ugu horeeyan Ra’isul wasaarayaashii hose ee Somalia C/wali Sheekh Axmed, Cali Maxamed Gedi, Nabadoono, Ganacsato, Culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Munaasabaddan ayaa ah mid weyn oo taariikhi, taasi oo baal weyn ka geli doonto taariikaha Somalia, gaar ahaan tan maamulka Puntland.

Gabagabada munaasabada kadib ayaa waxaa lagu wadaa in dhamaan madaxdaasi ay dib ugu laaban doonaan madaxtooyada Puntland halkaasi oo kulamo gaar gaar ah ay ku qaadan doonaan madaxda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Boosa24

Boosa2

Boosa3

Boosa4

Boosa5

Boosa6

Boosa7

Boosa1

Boosa8

Boosa9

Boosa10

Boosa11

Boosa12

Boosa13

Boosa14

Boosa15

Boosa16

Boosa17

Boosa18

Boosa19

Boosa20

Boosa21

Boosa22

Boosa23