Sawirro: Masjid aan noociisa horey loogu arag oo laga furayo magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta ayaa maanta loo soo bandhigay Masjid cusub oo dhawaan laga furi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo ku yaalla degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxaa qarashka lagu dhisay masjidka bixiyey ganacsadaha weyn ee Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, kaasoo masjidka ugu magac daray Aabihiis Cali Jimcaale Allaha u naxariistee.

Sheekh Axmed Nuur Cali ayaa ah milkiilaha ugu sarreeya ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad bixiso adeegga isgaarsiinta iyo adeegyo kale.

Masjidka ayaa waxaa loo dhisay qaab aad u sarreeya oo ka duwan masaajida kale ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna u egyahay Masjidyada ku yaalla dalka Turkiga, ayada oo dhismihiisa uu socday sanado,

Masjidka waxa uu sidoo kale leeyahay qeyb waxbarasho oo jiif iyo cunto leh oo ah laba dabaq, sidoo kalana wuxuu leeyahay masjidka Parking loogu talagalay in la dhigto gawaarida.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa Masjidka laga dhinac dhisay sidoo kale dhowr dabaq oo laga dhigayo goobo dukaameysi, kuwaasi oo qeyb ka ah xeendaabka Masjidka.

Ma cadda lacagta ku baxday dhismaha Masjidka, hase yeeshee marka la eego quruxdiisa iyo naqshadda, waxaa cad inay tobanaan milyan oo dollar ay ku baxday.

Masjidka ayaa la furi doonaa maalinta Ciidda ee soo socota oo ku beegan 9 Bishan July, waxaana la qorsheenayaa in lagu dukado saaladda Ciidda.