Sawirro: Musharaxiinta oo xujo cusub keenay kuna dhegay hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan murashaxiinta xilka madaxweyne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho waxay kasoo saareen shirkoodii go’aano ay ku muujinayeen inaysan kalsooni badan ku qabin guddiga doorashada oo xal u heli waayay qaabkii ay u maareyn waayeen.

Murashaxiinta ayaa sheegay in guddiga doorashada awood u laheyn inay joojiyaan dooda murashaxiinta, iyagoo codsaday in la qabto dood ay saxaafadda madax bannaan goob joog ka tahay.

Musharixiintan oo ka koobnaa ila 16 musharax ayaa waxay caddeeyeen inaysan kalsooni badan ku qabin Guddiga Doorashada, waxayna soo jeediyeen in Guddiga laga saaro Jen. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag.

Jen. C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag oo ah xubin ka tirsan guddiga doorashada ayaa lagu eedeeyay inuusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada, isla markaana waxay tilmaameen inuu u ololeynayay Murashax Xasan Sheekh Maxamuud, kana qeybgalay xaflad lagu taageerayay isagoo ka sheegay inay doortaan mar kale Xildhibaanada Xasan Sheekh .