Muungaab oo shaaciyey dhismaha jid laami oo isku xiraya Keydsaney illaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ay wehliyaan Injineero iyo Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta kormer ku tagay Degmooyinka Kaaran iyo Yaaqshiid, halkaasi oo uu maamulka Gobolka ka hirgelin doono mashaariic kala duwan.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in markii uu kormeerka ku tegay meel ku dhaw Isbitaalka Keysaney uu Maamulka Gobolka halkaasi ka hirgelin doono Waddo laami ah oo ka soo bilaabaneysa aga gaarka Keydsaney ilaa iyo Tarabuunka.

“Wadamada Laamiga ah waxa ay ka soo bilaabaneysaa meesha loo yaqaan sarta Habar gaalo waxaana lagu geynayaa ilaa iyo isgoyska Sanca, sidaasina ayaa lagu gaarsiinayaa ilaa iyo tarabuunka” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa inta uu ku gudo jiray howlaha kormeerka ah waxa uu dib u furay waddo 12 ah oo si sharci darro ah loo deganaa, taasi oo ku taala degmada Yaaqshiid, waxaana uu ka digay in goobaha danta guud si sharci darro ah loo deganaado.

Sawirrada Muungaab iyo socdaalkii Maanta

mun1mun2mun3mun4