Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay hay’adaha amniga iyo taliska ciidanka AMISOM?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xoojinta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada, dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli kooxda Al-Shabaab ay dib usoo celisay weeraradii tooska ahaa oo ay ka fulin jirtay Caasimadda Muqdisho.