Sawirro: Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

New York (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyey shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka furmay magaalada New York ee waddanka Mareykanka.

Shirkan oo ah mid muhiim ah waxaa loogu magac daray Xalka oo loo maro Wadajirka, Joogtaynta iyo Sayniska”ee loo qorsheeyay in uu socdo 19ka illaa 25ka September 2022.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in shirka looga hadlayo arrimo dhowr ah  oo ay ugu horreeyaan cunno yarida, tamarta, shaqo la’aanta, awood-siinta haweenka, isbeddelka cimilada amniga iyo waxbarashada.

“Shirka waxaa horyaalla oo laga wada doodi doonnaa oo la isku aragti waydaarsan doonnaa arrimaha ka taagan caalamka sida Isbaddelka Cimilada, Amniga guud ee Caalamka ee dagaallada ka socdaan, sidoo kale waxaa si gaargaar ah looga hadli doonnaa arrimaha quseeya qaaradaha & deegaannada kala duwan ee Caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Haddaba Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay u qorsheysan tahay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho wasiirada dhiggiisa ah ee ka qayb-galaya meertada 77aad golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Illaa 10 wasiir oo ka kala socda Bariga Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika ayuu sheegay inuu la ballansan yahay, si uu wada-hadallo ula yeesho.

“Madaxweyne weliba waxa uu jeedin doonnaa khudbad ka tarjumaysa dalkiisa, anigu ka Wasiir Arrimo dibadeed ahaan waxa aan qayb ka ahay shirkaas, waxaa ii yaalla oo qorsheysan la kulanka Wasiiro badan oo dhiggayga ah oo ka imaanaya Qaaradaha kala duwan ee Adduunka, ajendahayga waxaa ku jira illaa toban in aan arko oo ah kuwo ka yimid Bariga, Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka.

Soomaaliya waxaa shirkan oo ah mid sanadle ah uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, isaga oo la filayo in kulanka uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah oo ku aadan xaalada guud ee dalka Soomaaliya.