Sawirro: Qaraxyo xoogan oo ka dhacay Hoteello iyo kaniisado ku yaala dalka…

Colombo (Caasimada Online) – Khasaaro badan ayaa ka dhashay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Colombo ee caasimada dalka Sri lank, waxaana qaraxyada ay gaarayaan ku dhawaad lix qarax.

Qaraxyada ayaa ka dhashay seddex magaalo oo kala ah Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, waxaana ku dhintay ku dhawaad 120 ruux oo ku sugnaa kaniisadaha iyo Hoteelada ku yaal magaalooyinkaasi.

Seddex Hotel oo kala ah Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo ku yaala bartamaha magaalada Colombo ayay qaraxyada koowaad ka dhaceen xili dadka ay u dabaal dagayeen ciidda Masiixiga.

Sawirro la soo dhigay Baraha Bulsahda ayaa la arkayey dhiig farabadan oo daadsan mid ka mid ah Kaniisadaha la weeraray,waxaana la rumeysan yahay in dadka wax ku noqday qaraxyadaas ay ku jiraan dalxiisayaal shisheeye.

Madaxweynaha Sri lank Maithripala Sirisena ayaa shacabka dalkaasi ka codsaday inay isdajiyaan, isaga oo sheegay in ciidamada amaanka ay dadaal badan wadaan.

Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah, iyada oo ay horay u jirtay inay rabshado dhexmareen Muslimiinta iyo dad aaminsan diinta  Buudiistaha oo dadka qaar ay aaminsan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Sri Lank
Caasimada@live.com