Sawirro: Rakibaada qalabka lagu maamuli lahaa hawada Somalia oo Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Xarunta Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ka bilowday rakibaada dhammaan qalabkii lagu maamuli lahaa Hawada Somalia.

Qalabkan oo intiisa badan la keenay ayaa waxaa rakibaadiisa ka qeybqaadanaaya shaqaale khibrad u leh qalabka la xiraayo.

Qalabka ayaa waxaa lagu rakibayaa Xarunta Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ee Garoonka Aadan Cadde, waxaana goobta ay howsha ka socta indha indheynaaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, gaar ahaan kuwa ay shaqadooda tahay.

Yuusuf Cabdi Cabdulle ”Yuusuf Jaalle” Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa sheegay in hawada Somalia laga maamuli doono Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay in hawada aan Somalia laga maamulin muddo dhan 27 sanno, balse hadda ay wadaan dadaalkii looga maamuli lahaa Somalia.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com