SAWIRRO: Cabdi Weli oo gaadiid loogu deeqay DFS u weeciyey KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba Hoose waxaa shalay soo garay 13 gadiidka dagaalka ah ee ay Soomaalida u taqaan Cabdi Bile oo ay Dowlada Japan ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya.

Gadiidkaan ayaa waxaa ay Dowlada Japan ku wareejisay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed, ayada oo loogu tala galay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegeen xubno xog ogaal ah, gadiidka ayaa waxaa lagu waday in laga dajiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, balse amar ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa waxaa logu wareejiyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Gadiidkan, ayaa markii laga dejiyey dekedda Kismaayo, ayaa waxaan la geyay xero ay dagan yihiin Ciidamada Raaskambooni ee haysta magaalada Kismaayo.

Cabdi Weli, ayaa bilihii u dambeeyey xiriir aad u wanaagsan la lahaa maamulka Axmed Madoobe, oo aysan isku fiicneyn madaxweyne Xasan Sheekh.

Halkan ka arag sawirrada

gd1gd2gd3gd4gd5gd6gd7

Isha: Kismaayo24