Sawirro: Sidee madaxweyne XASAN SHEEKH xalay loogu soo dhoweeyey Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ka soo qeybgalka xafladaan dhaarinta ah diiday ninkii sida weyn ugula loolamay xilka madaxtinimada dalkaas.

Raila Odinga oo doorashada looga guuleystay, isla markaana mar kale looga guuleystay dacwad uu u gudbiyey maxkamada sare ee dalka, kadib markii uu qaadacay natiijadii doorashada, ayaa hadda cadeeyey in xafladaas uusan ka qeyb geleyn.