Sawirro: Sweden oo ballan-qaad u sameysay R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay safiirka dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Per Lindgarde.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya waddamada Soomaaliya iyo Sweden.

Danjire Per Lindgarde oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaad u sameeyey xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale safiirka dowladda Sweden ayaa ugu hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha ansixinta golaha wasiirada oo ay todobaadkan codka kalsoonid ah siiyeen xubnaha baarlamaanka.

Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi barre ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo qorshooyinka dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan wax ka qabashada xaaladda amniga iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ay saameysay abaarta.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka reer Yurub ee sid weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna howlo kala duwan ka fulisa gudaha dalka.

Soomaaliya ayaa xilligaan la daala-dhaceysa xaalado is-biirsaday, sida amniga iyo arrimo bani’aadabnimo oo ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay gobollada dalka.