Sawirro: WAFDI ka socda Somaliland oo maanta lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow garoonka diyaaraaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda Somaliland, kaas oo ka soo ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee xarunta mamaulkaasi.

Wafdigan ayaa sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadihii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Deeqda oo ah mid lacageed ayaa dhan 600,000 oo Dollerka Mareykan ah, taas oo ay soo uruuriyeen qaar ka mid ah shacabka iyo culimada ku dhaqan Somaliland.

Xubnaha wafdiga oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa lacagtaasi ku wareejin doono dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Gargaarkaan ayaa qeyb ka noqonayo kaalmo gudaha oo horay dadka Soomaaliyeed uga soo uruuriyeen meelo badan, si dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan loogu caawiyo.

Tallaabadan ayaa muujineysa, sida ay dadka Soomaaliyeed isugu gurman karaa marka ay yimaadaan dhibaatooyinka noocaan oo kale ah, halkii wax laga sugii lahaa wadamo shisheeye ama hay’ado leh dano gaar ah oo wax ku soo qaata magaca Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxaa lagu xasuustaa sidii ay uga qeyb qaadatay gurmadkii loo fidiyey dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaarihii horay ugu dhuftay koonfurta Soomaaliya.