Sawirro: Wasiirada DF iyo maamullada ee degaanka iyo cimilada oo maanta kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Wada-tashiga iyo xoojinta wada-shaqeynta wasaarada deegaanka dowladda federaalka iyo wasaaradaha deegaanka maamul goboleedyada, oo qeyb ka yahay gobolka Banaadir ayaa maanta furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay daah-furtay Khadiija Al-Makhzuumi, oo ah Wasiirka Bay’adda iyo isbeddelka Cimiladda ayaa waxaa xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wada-shaqeyn ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobaleydyada dalka.

Sidoo kale waxa dhinacyada ay diirada ku saareen wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka iyo isbedelka cimilada oo ah mid si gaar ah u taabanaysa dhamaan dalka oo dhan.

“Waxaa rabna wada-shaqeyn hufan in aan u wada-shaqeyno oo aan ka wada-hadalno xaaladaha iyo daruufaha ka taagan maamul goboleed kasta, sida aan wax u qaban laheyn. Sida aad ogtihiin isbedelka cimilada saameynta ay ku leedahay Abaaraha,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzuumi.

Wasiirka Bay’adda iyo isbeddelka Cimiladda, Khadiija Al-Makhzuumi ayaa sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka cimilada, ayada oo ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto wasiirada wasaarada ee heer dowlad goboleed.

“Waxaan u ballan-qaaday wasiiradda dhamaan in WD&IC ee dowlada federaalka Soomaliya ay si dhaw ula shaqeyn doonto, islamarkaas-na ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan arimahaas,” ayey ku tiri Khadiija qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook kadib markii uu soo idlaaday kulanka.

Wasiirada dowlad-goboleedyada ayaa dhankooda ku bogaadiyay Wasiir Khadiija Al-Makhzuumi qabsoomida shirkaan oo qeyb weyn ka qaadatay qabashadiisa, iyaga oo xusay muhiimada ay leedahay wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka.

Wasiir Khadiija ayaa ah wasiirkii ugu horreeyey ee ka tirsan xukuumadda Xamza oo la kulanta wasiirada maamul goboleedyada ee haya xilalka la midka ah, taasi oo muujineysa sida ay u dardar gelineyso wadashaqeynta labada dhinac iyo wax ka qabashada arrimaha sida xun u saameynaya dalka.