Sawirro: Xassan Sheekh oo la kulmay Muwaadinkii Somalia u matalaayay Ciyaarta Cuuryaamiinta

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ciyaaryahan Faarax Hadafow oo ah ciyaaryahankii ugu horeeyay Soomaali ah ee ka qeyb galay ciyaraha dadka naafada adduunka.

Ciyaarta uu ka qeybgalay Faarax Hadafow ayaa laba bil ka hor ka dhacday Rio de Jenierio Brazil, isagoo matalaayay Somalia.

Faarax Hadafow, ayaa inta uu socday kulankooda Madxaweyne Xassan uga warbixiyay Guushooda iyo dhibaatada gaarka ah ee heysata.

Intaa kadib Faarax Hadafow, ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in wax laga bedelo xaalada murugeysan oo ay Somalia ku jirto, waxa uuna u qiray inaanu jirin meel ay ku doorsanayaan dalkooda.

Waxa uu sidoo kale, ka dalbaday in la horumariyo Ciyaarta cuuryaamiinta iyo kuwa kale ee lagu mashquuliyo dhalinyarta maadaama ay dhalintu u baahan yihiin in loo sameeyo horumaro muuqda.

Madaxweyne Xassan ayaa si diiran usoo dhaweeyay Codsiga Faarax Hadafow, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu fulin doono codsiga.

3 4 5 6 7