Sawirro: Xildhibaanada Turkiga oo gacanta isla galay iyo kulan socday oo fashil ku dhamaaday

Ankara (Caasimada Online)-Mudanayaasha Baarlamaanka Turkiga ayaa mar kale gacanta isla galay kadib markii ay isku khilaafeen Sharciga cusub oo Baarlamaanka lasoo hordhigay.

Sharciga cusub ayaa waxaa ka hor imaaday garabka Xildhibaanada Mucaaradka oo iyagu sheegay inaanu suuragal aheyn in sharcigaasi la meel-mariyo.

Mudanayaasha Mucaaradka ah ee diiday sharciga ayaa sheegay in Dowladu ay damaacineyso inay xabsiga dhigto qaar kamid ah xildhibaanada oo lagu eedeenayo inay xiriir laleeyihiin ururada hubeysan ee Kurdida.

Mudanayaasha oo arrinkaasi ka duulaaya ayaa durbadiiba meesha ka dhigay qeylo iyo buuq iyaga oo ujeedkoodu ahaa inay fashiliyaan arrinta ay Dowladu wado.

Dowlada Turkiga ayaa shaki ba’an ka qabta in Xildhibaanada Mucaaradka ay garab boodayaan ururada hubeysan ee Kurdida.
1

2

3

4

5

6

7

8

9