Saxaafadda wax jaangoysa!

Haddii saxaafaddu wakhti badan geliso sheekooyinka arrimaha bulshada quseeya, kana hadasho ganacsiga iyo hal-abuurka dhallinyarada, waxaa hubaal ah in dad badan oo siyaasadda ku maman ay kasoo laaban lahaayeen, loona jiheysan lahaa in wax la ikhtiraaco, lagana fikiro wax wanaagsan. Hadda badi waxay saxaafaddu siisay wakhti badan siyaasadda, waxaana muuqatay in siyaasaddu ay noqotay suuq laga macaasho, si loogu biirana la geliyo qarash badan.

Saxaafadda iyo siyaasadda, labadaba waa cilmi lagu barto waxbarashada sare. Waxaana loo baahanyahay dadka ka shaqeynaya in aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba ay yihiin kuwa dhisan. Saxaafaddu waxay kamid tahay waxyaabaha lagu sameeyo “National agenda” waxaa lagu jiheeyaa bulshada, sidaas darteed, waa mas’uuliyad weyn oo ammaano ah. Ma aha sida dadka qaar u moodaan, oo ah in la iska hadlo, waxna la iska qoro.

Saxafi kasta waxa uu ka qiimo badanyahay weriyayaalka kale inta uu ka run badanyahay, ka  il-wareed badanyahay, ka aqoon badanyahay, sidoo kalana, ka akhlaaq badanyahay. Saxafigu ma aha mid wixii loo sheego durba baahiyo, waana kan wax baara oo wax xaqiijiyo.

Dadka iska leh hey’adaha warbaahinta qudhooda, waxaa habboon iney kala saaraan xirfadda iyo ganacsiga. Idaacadda, joornaalka ama telefashinku waa in uu leeyahay siyaasad shaqo, lana yaqaanno ahdaafta ay u taaganyihiin, cidda ay la hadlayaan ama wax u qorayaan. Qolka tifaftirku waa in uusan noqon mid wax ku jaan-gooyo dakhliga soo xarooda, shaqadaas waxaa leh, xafiiska ganacsiga iyo xayisiimaha u qaabilsan xarunta.

Warku maaha mid lacag lagu sameeyo, laakiin wuu noqon karaa mid kuu sahlo in aad lacag hesho. Hadalkaan waxaan ula jeedaa, haddii aad baahiso war sugan oo aan lacag lagu qaadan, waxaa kuu abuurmaya dhegeysteyaal iyo akhristeyaal badan, waxayna dad badan door bidayaan iney xaysiismo kuu keensadaan.

Shaqada oo aad si dhab ah u wajahdo, waxay kuu abuureysaa lacag iyo sharaf.

Saxaafaddu waa shaqo fiican oo sharaf leh, laakiin, qof kasta saxafi ma noqon karo, si lamid ah caafimaadka, handasada iyo duuliyahaba.