Dagaalkii beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo dib u billowday (Faah-faahin)

Muqdisho  (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Dagaalka u dhaxeeyo maleeshiyo beeleed kala matalaya labada dhinac ayaa ka dhacay saaka deegaanada Busleey, Buufow iyo Deegaanka DANNADA oo ku yaala duleedka degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha degmada Marko oo kasoo jeeda mid kamid ah beelaha dagaalamaya ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay.

Ciidamada mid kamid ah beelaha dagaalamaya ayaa la sheegay inay weerarka ku qaadeen deegaanka Buufow iyo deegaanka Busleey, kaasi oo sababay in muddo saacad ku dhow dagaalada ay ka dhacaan halkaasi.

Ma jirto cid xaqiijin karta qasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa wali taagan xiisada, waxaana la sheegaya in laga baqayo in markale uu dagaal ka dhacao deegaanadii saaka ay ku dagaalameen ciidamada kala matalaya beelaha Habargidir iyo Biimaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com