Shakhsiyeynta AMNIGA QARANKA SOOMAALIYA

Waa maalinimo khamiis ah taariikhduna ay ku began tahay 20ka janaayo, waxaa baraha bulshada wada qabsaday Maqaal(Qormo) uu qoray Agaasimihii hore ee NISA : Fahad Yasiin, Qormadaas waxaa Cinwaan looga dhigay Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa”.

Maqaalku wuxuu dhaliyay falcelin balaaran,waxeyna bulshada u qeybsantay dhowr qeybood:kuwo la dhacay aragtida maqaalka, kuwo diidan fariinta maqaalka iyo kuwo ka aamusay.

Waxaa shaki ku jirin in bulshada Soomaaliyeed ay fahan qaldan ka heystaan “ Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka”,taasoo sabab u ah Dowladnimadii Somaliya oo qolfoof ahaan iyo waaqic ahaan u burburtay sanadii 1991 balse burburkaas dowladeed uu bilowday sanadii 1977 kadib markii ay awood ahaan iyo caqli ahaanba u fashilmeyn ciidankii, sidaas darted oo ay manta Soomaalidu ugu noolyihiin firaaq siyaasadeed dhan walba leh mudo ku siman 31 sano.

Amniga Qaranka waa arrin aad u weyn oo aan lagu xeri karin hadba maamulka jira, waa in si daacadnimo iyo hufnaan ay ku jirto loo dhawraa, oo aan lagu xirin dano gaar ah iyo tixgelin ku meel gaar ah. 

Waa maxay Sirdoon iyo Nabadsugid?

Sirdoonka ama Nabadsugiddu, waa Hayad dowliya, oo ka masuul ah, ilaalinta, uruurinta iyo raadinta, xogaha daahsoon, qarsoon, raadraaca iyo dabagalka arrimaha amniga, sida; Sharciga Dalka, Ammaanka Qaranka, Arrimaha Ciidanka iyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda.

Hayadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ayaa qaabilsan ilaalinta, sirta Dalka guud ahaan, iyo ka hortaga dhagarta cadowga Gudaha iyo kan Dibadda 

Adduunka oo dhan Sirdoonku waxa uu marar badan ku shaqeeyaa qaanuunka iyo garsoorka bannaankiisa; maxaa yeelay, waxay ka shaqeeyaan aagag aan qaanuun ka shaqayn ama ka shaqayn Karin! Sidaa waxaa sameeya Hayadaha Sirdoon ee Dunida ka jira sida CIAda Maraykan, Mossadda Israaiil, GRUda Ruushka, MI6ta Ingiriis, RAWda Hindiya iyo kuwa lamidka ah.

Madaxda Dunida soo maray iyo kuwa ka taliyaba waxay dhego iyo indho ka dhigtaan Hayadda Sirdoon ee Qarankaasi leeyahay, sababtuna waa in Hayaddaa lagu aaminay una taagantahay Ilaalinta iyo Difaaca Masaalixda Qarankaasi leeyahay.

Dowladii kacaanka :

Sanadihii Dowladii Kacaanka ee ka talineysay Dalka waxaa ka shaqeynayay Saddex hayadood oo si wadajir ah uwada qabanaayay, ilaalinta iyo uruurinta xogaha sirta ah ee Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba :

1- National security service NSS”.
2- Criminal Investigative Division CID
3- Military Intelligence Unit” oo aheyd heyad u gaar ah ciidammada qalabka sida, oo la dhihi jiray Hayadda Nabadgalyada GaashaandhigaHANGASH

Hey’adaha sirdoonka dunida ugu muhiimsan:

Hadaan dunida u jaleecno Dowlad kasta, waxay leedahay labo ama saddex laamood oo sirdoonka iyo dabagalka u qaabilsan, tusaale USA, (CIA, FBI iyo NSA,) waxaa ugu magacdheer CIA oo dibadda qaabilsan balse waxaa ugu halisbadan NSA, daba-galka aad bay ugu dheeraysaa.

Waddanka Pakistan, wuxuu ku jiraa Hayadaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu sarreeya, laantaas waxaa lagu magacaabaa ISI.

Wadanka Ingiriiska, waxuu leeyahay MI6 iyo MI5 oo arimaha Sirdoonka u qaabilsan, midana waa dibadda (MI6), tan kalena (MI5) waa gudaha. Israa’iil waxaa ugu caansan MOSSAD, balse waxaa jira labo laamood oo lakala yiraahdo AMAN, oo ah sirdoonka dhaq-dhaqaaqa militari, iyo shetbet oo gudaha qaabilsan.

Dagaalka Dowladda Ruushka iyo Dowladda Maraykanka waxaa lafdhabar u ah Sirdoonka iyo soo gudbinta xog xaqiiqo ah. Waxuu sirdoonku kuu sahlayaa, inaad tilaabo tilaabo ula socotid cadowgaaga iyo dhaqdhaqaaqa ay waddaan, waxaadna ka hortagi kartaa, tilaabo kasta bulshada iyo karaamada waddanka lagu wax yeelaynayo.

Sirdoonku waa indhaha ku tusaya cadowgaaga mugdiga kuugu dhakan waana lama huraan in la galiyo waqti iyo lacag badan.

AGAASIME FAHAD YASIN IYO DOORKIISII SHAQADA:

Agaasime Fahad Yasin waa macquul in la-tuhmaayo tuhunkaasina iskugu jiri karo run iyo been, waxaase jirta arrimo aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin Hayadeed oo karti badan, wuxuuna dib u habeyn ku sameyay taliskii nabadsugida iyo sirdoonka, wuxuuna tayeyay dhismaha dharcada ilaalada shacabka.

Wuxuna dib u habeyn ku sameyay qeybaha kala duwan ee Hayada, kuwaaso aan shaqeynin tan iyo burburkii Qaranimada kadib.

Mudo yar oo kooban waxaa dib usoo noolaaday Magacii iyo Sumacadii ee Hayadda ku laheyd Qaarada Afrika, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo madax ah ka ah Heyadaha Nabadsugida iyo Sirdoonka, kana kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida.

Maxay ku shaqeyaan Hey’adaha Amniga Qaranka?

Hayadaha Amniga Soomaaliya ayaa ku shaqeeya jawi qalafsan, oo afartii sano mar shaqaalaheeda guud lakala diro, taasi oo kordhisa xasilooni darida Dalka, waxayna arrimahaasi ka mid yihiin caqabadaha waaweyn ee hortaagan in ay horumarto,lana jaanqaado, dhigeeda.

Su’aasha dad badani maskaxdooda ka guuxeysa ayaa ah mala kala diri donaa shaqaalaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka sidii horay loo sameyay doorashadii hore, goormaase dhaqankaasi laga garaadsan donaa? Siduu noqon doonaa mustaqbalka Hey’ada NISA?

Muxuu ku xeran yahay horumarka hey’ada?

Horumarka Hey’ada wuxuu ku xeran yahay in la sameeyo kulliyado,  machadyo ku takhasusay Amniga Qaranka iyo Daraasaadka Istaraatiijiyadeed.lana Maskaxshiilo dhalinta Soomaaliyeed ee soo kacaysa laguna hago jidka Dowladnimda iyo sareynta Sherciga,  kaadiriin ku takhasusay dabagalka,  falanqaynta iyo samaynta cilmi baaris ku saabsan isdhexgalka gobolka iyo kuwa caalamka, shaqada aqooneed iyo cilmi baariseed waa udub dhexaadka shaqada Hayadaha Amniga.

HAL BACAAD LAGU LISAY:

Bulshada Soomaaliyeed waxee qaati ka taagan yihiin Siyaasiiin dantooda ku colloobay, dantoodana ku heshiin doona, dhexdoodana ay ku xiiqeyn guulwadayaal, waxaa igu soo dhacday oraahdii Michelle Obama oo aheyd :”In aad madaxweyne noqotaa ma beddelayso qofka aad tahay, balse waxa ay bannaanka soo dhigaysaa qofka aad tahay

Waxaa aad usoo badanaya siyaasiyiin danley ah oo marinhabaabinaya bulshada, una gudbinaya warbixino aan ku dhisneyn Xilkasnimo, Daaacadnimo iyo Wadani,nimo.

Caqliga siyaasiga Soomaaliyeed waa inuu kala gartaa Danaha Diblomaasiyadeed ee Qaranka, Danaha Amniga ee Qaranka iyo loolanka kursiga villa Somalia dhexyaal.

Agaasimaha Heyada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka waa boos siyaasi ah oo la mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada, Wasiirku wuxuu madax ka noqdaa Wasaarad, mudo kadibna waa ka tagaa balse jiritaanka wasaarada waxba iska ma badalo.

Waxaa aan rabaa inan dhaho Golaha midowga Murashaxiinta iyo dhamaan dadka siyaasada kujira in ay Dalka iyo Dadka u turaan kana daayaan in markasta Heyadaha Dowlada laga bilaawo eber {from zero}, waa ka jiri karaan Heyadaha Dowlada dhexdood dhaliilo, musuqmaasuq baahsan, farsamo xumi, kutagrifal awooded balse waxaa loo baahan yahay in aad la timaadaan qorshayaal horumarineed oo dhankasta leh.

Waxee bulshada Soomaaliyeed idinka sugeysaa in Dastuurka Dalka la dhammaystiro, oo afti dadwayne loo qaado, lana tayeeyo Heyadaha Dowliga kuwooda ugu muhiimsan sida Maxkamadda Sare, lana daadejiyo federaalka, lana kobciyo waxsoorkaarka khayraadka, Isku filnaasha buuxdana laga gaaro Amniga Qaranka, iyo hirgalinta Dhabuheshiisiin loo dhan yahay.

Haddii aanan intaa la idinka helin waxaa wadaan waa maan guracan iyo garasho jaan.

Mohamed Ahmed Jiinte – Waxaad kala xiriiri kartaa jiintecade23@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.