Shan qodob oo la isku hayo shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo laba maalmood socon doono ayaa kusoo aadaya xilli aad xasaasi u ah.

Warbixintaan waxaan kusoo koobeynaa shan qodob oo la filayo inay madaaxdu dul istaagto labada maalmood ee soo aadan

1- Amniga

Dalka qeybo kamid ah waxaa ka curtay dagaal lagu diidan yahay kooxda Al-Shabaab, maamulada qaar weli dhankooda dagaalku kama billaaban.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay sheegtay inay dooneyso inuu dagaalku noqdo mid guud ahaan ka socda dalka.

Wakiilada caalamiga ah waxay dhawaan usoo jeediyeen madaxda Soomaalida ee labada heer inay dagaalkaan iska kaashadaan.

Waxaa la filayaa inuu shirku mideeyo aragtida dagaalka madaxduna isla meel dhigto sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa goobaha ay weli gacanta ku hayaan.

2- Lacagta ka timid World Bank

Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyey wasaaradaha maaliyadda ee heer maamul goboleed iyo wasaaradda maaliyadda ee dowladda federaalka ah.

Muranka wuxuu ku saabsanaa saamiga maamulada laga siinayo lacag boqol Milyan ah oo ka timid world bank. Maamulada ayaa masuugay cadadka ay dowladda dhexe u qorsheysay.

Wararkii ugu dambeeyey ee qodobkaan waxay sheegayaan in dowladda dhexe ogoshahay in maamul walba la siiyo afar milyan oo dollar, laakiin Puntland ayaa weli diidan oo rabta in intaas looga badiyo lacagta.

3- Kala aamin baxa siyaasadda

Hoggaanka cusub ee Villa Somalia waxay deg deg ula kowsadeen cago jiid ay maamullada ka qabaan wada-shaqeyntooda si gaar ah arrintaan waxaa xoojisay qaabkii loo dhisay xukuumadda oo lagu dafiray kaalintii madaxda maamullada.

Shirkaan ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in hoos la isku wareysto walow uu mid kamid ah madaxda maamulada uu xaqiijiye inaan hoos loo dagi doonin.

4- Muddo kororsiga madaxda maamulada

Madaxda heer maamul qaar ayaa sameystay muddo dheereysi. Shirka waxaa ka qeybgalaya Cali Guudlaawe, Laftagareen iyo Axmed Madoobe oo beddalay muddadii xil heyntooda iyagoo ku darsaday min hal sano.

Shirkaan waxaa ku waajib ah, ayey leeyihiin falanqeeyaashu, inuu dul istaago qodobkaan walow ay jiraan warar sheegayo in madaxweyne Xasan Sheekh uusan rabin inuu doodaas hadda furo.

In qodobkaan laga aamuso waxay ka dhigan tahay in laga dhuumanayo waaqica dalka yaalla.

5- Safarka madaxweynaha ee New York

Mid ka mid ah ujeedooyinka shirkan waa inuu madaxweyne Xasan Sheekh muujiyo inuu haysto kalsoonida maamullada dalka ka hor inta uusan u safrin magaalada New York ee waddanka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Shirka Muqdisho ka furmaya ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo madaxda maamulada waxaa la filayaa inuu ka qeybgeli doono guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, kaasi oo magacaabistiisa loo dadajiyey sidii uu uga qeybgeli lahaa shirkaan.

Wararka waxay sheegayaan inuu shirkaan ka baaqday hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isaga markii hore raajicinayey in shirkaan lagu qabto magaalada Garoowe.

Illo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyey inuu Saciid Deni aaladda fogaan arag uga qeybgeli doono shirka. Maqnaashihiisa ayaa abuuraya tuhuno dhowr nooc ah.

Arrimahaan ayaa ah kuwa dhaliyey ama agu jeex jeexi doono shirka madaxda maamulada iyo dowladda federaalka ah.