Madaxweyne Shariif Xasan oo 6 xildhibaan ku daray liiska qaswadayaasha (Aqriso magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba, ayaa sheegaya in Madaxweyaha maamulkaasi Shariif Xassan Sheekh Aadan uu liiska qaswadayaasha ku daray tirro Xildhibaano ka tirsan BFS kana soo jeeda Beesha Ogaden.

Xildhibaanadaasi ayaa la sheegayaa inuu ka mamnuucay tagista deegaanada maamulka, waxa uuna ka digay in Xildhibaanadaasi ay la soo safraan xitaa madaxda dalka xiliyada ay soo booqaneyso maamulka.

Shariif Xassan ayaa Xildhibaanadaasi oo 6 ka kooban u aqoonsaday inay yihiin qaswadayaal ka macaasha burburka iyo Khilaafyada maamulka.

Xildhibaanada uu ku daray Liiska Qaswadayaasha ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye

2-Xildhibaan sanyare

3-Xildhibaan Xerow

4-Xildhibaan Axmed Aabi

5-Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif

6-Xildhibaanad Xamza

Xildhibaanadaani oo kasoo jeeda Beesha Ogaden ayaa dhawaan Gobolka Bakool kaga dhawaaqay maamul sharci darro ah oo lagu xagl-daacinaayo maamulka Koonfur Galbeed ee uu Hogaamiyaha ka yahay madaxweyne Shariif Xassan.

Dhanka kale, Shariif Xassan ayaa ka digay in Gobolka Bakool ay gaaran xubno ka tirsan maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com