Xog: Sharmarke iyo C/Weli Gaas oo wada qaatay kulan khaas ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in laba saac ka hor Madaxtooyada Somalia ay kulan gaar aha kuwada qaaten Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimaha doorashada, waxaana la sheegayaa in kulanka labada mas’uul uu yimid kadib markii C/wali Gaas uu tan ilaa xalay ka biyo diidanaa in wax laga bedelo Jadwalkii hore.

Sharmaarke waxa uu C/wali Gaas u sheegay in looga baahan yahay inuu muujiyo degnaansho oo uusan carqaladeyn shirka lagu go’aaminaayo doorashada Somalia, waxa uuna Sharmaarke Gaas u ballanqaaday in kulanka aan lagu hirgalin doonin go’aan khilaaf uu ka taagan yahay.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale, C/wali ku qanciyay inuusan la imaan khilaaf isaga oo aan dhuuxin ama aan ka dhargin waxa looga hadlaayo shirka.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale, Gaas u sheegay in Madaxtooyada Somalia iyo Guddiga Doorashooyinka ay la imaankaraan arragtiyo ka duwan kan ay wataan Madaxda maamulada dalka, balse loo baahan yahay in la muujiyo degnaansho, waxa uuna carab dhabay in shirka uusan jirin cid lagu khasbaayo wixii kasoo baxa.

C/wali Gaas ayaa sidoo kale, Ra’isul wasaaraha u sheegay in Puntland aysan diyaar u aheyn inay maqasho misna goobjoog ka noqoto goob lagu baalmaraayo sharci horay loo dajiyay.

C/wali Gaas waxa uu Sharmaarke u cadeeyay inaanu diyaar u aheyn in leysku cadaadiyo waxaan u cuntameynin, islamarkaana Puntland ay dooneyso in baalmarka heshiiskii hore loo keeno qodobo lagu qancikaro.

Sharmaarke iyo C/wali Gaas ayaa isla gartay in marka hore laga qeybgalo shirka kadibna leysla arko wixii keenikara khilaaf iyo kala aragti duwanaansho.

Docda kale, dowlada Somalia ayaa wado qorsho lagu baalmaraayo xiliga lagu heshiiyay in doorasho ay ka dhacdo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com