Sheekh Shariif caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan xiisadda dalalka Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Sharif Sheikh Axmad ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku faafiyey ku sheegey in dowlada Federaalka dib u eegis ku sameyso go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ay kaqaadatey khilaafka Khaliijka isagoo xusey in wadatashiyo la yeelato dhinacyada ay khuseyso.

” Go’aanka xukumada Somaliya ay ka qaadatey arrimaha Khaliijka waxaa uu iila muuqdaa mid lagu degdegey oo aan ka tarjumeyn masaaliixda dalkeena, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuucdiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo buburin karin kaliya dowlada Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay tageerada dalkeenna”

Sharif Sheikh Axmad oo hadalkiisa sii wata ayaa dowlada Federaalka u sheegey iney ilaaliyaan danaha istiraajiga ee aan la wadaagno dowladaha Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Hadalka Madaxweynihii hore ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda sadex maamul goboleed tageero u muujiyeen xulifada wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadka iyagoo sheegey in go’aankaan dowlada federaalka ka qaadtey khilaafkaan aysan kala tashan.