Shiinaha: Taiwan midnimada Soomaaliya ayey wiiqeysaa

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa markale ka hadashay xiriirka iyo heshiiska cusub ee dhawaan kala saxiixday Taiwan iyo Somaliland, kaasi oo si weyn uga careysiiyay.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa Taiwan ku eedeysay inay wiiqeyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, maadama ay xiriir toos ah la sameysatay Somaliland, oo ku dooda inay tahay dal madax-banaa, balse loo aqoonsan yahay maamul ka tirsan Soomaaliya.

Zhao Lijian ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uu sii wadayo xiriirka uu la leeyahay dawladda Soomaaliya, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeedaan xad-gudubka diblumaasiyadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa markale ku celiyay siday ay dowladda Shiinuhu uga soo horjeedo xiriirkaasi cusub, isagoona sheegay inaysan marnaba raali ka aheyn xafiis rasmi ah ama wax xiriir is-dhaafsi dawladnimo oo dhex-mara Taiwan iyo Somaliland.

Heshiiska cusub ee Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa meel adag iska taagay dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha, oo u arka xad-gudub, maadama ay labada dhinaca ku doodayaan inay si rasmi uga tirsan yihiin.

Shiinaha ayaa cadaadiska diblumaasiyadeed ku haya madax-banaanida ay rabto Taiwan, midaasi oo sababay inay xiriir la yeelato 15-dal oo keliya, oo adduunka ka mid ah iyada oo ay dib uga laabteen dalal badan oo hore u aqoonsaday.