Shir looga hadlay tacadiyada galmada oo lagu soo gabagabeenaayo London

London (Caasimada Online)-Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa maanta oo Jimco ah lagu soo gabagabeenaayo shir looga hadlaayay tacadiyada dhinaca galmada ee ka dhacay caalamka gaar ahaan dalalka soo koraya iyo kuwa collaadaha ay ka taagan yihiin.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen dad caan ah, ayaa lagu soo badhigay dhibaatada lagu hayo dumarka ku nool caalamka gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Dadka shirka ka qeybgalay waxaa ka mid ah fannaanada caanka ah ee Jeneva Lopes iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay xog-hayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Haig.

Shirka siddoo kale waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha u doodda xuquuqda dumarka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee ay ka dhacaan tacadiyada loo geesto dumarka, waxaana jira dumar badan oo la kufsaday.

Inta badan shirka waxaa si weyn looga hadlay bal in wax laga qabto dhibataada loo geesto dumarka iyo in dumarka dhibaatada loo geestay ay ka hadli karaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com