Shir Muqdisho uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir u dhaxeeya wasaaradaha warfaafinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa heer dowlda goboleed ayaa waxa uu ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex cisho ah, ayaa waxa lagu wadaa in looga hadlo doorka wasaaraha ee ku aadan wacyi-gelinta bulshada iyo ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa shirkaan diirada lagu saari doona sidii mid looga noqon lahaa barnaamijyada dowladda loogana fogaan lahaa wax weliba oo abuuri kara khilaaf ka dhasha dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa waxaana uu ugu baaqay in wasaarad weliba ay qaadato doorkeeda ku aadan.

“Sababaha ugu weyn ee sidaan aan u samaynayno waxay tahay dowladdu waxaa ay leedahay ajanda, waxaa ay leedahay hadafyo, marka la rabo in hadafyadaas la gudbiyo waxaa loo baahan yahay fariimo iswaafaqsan oo aan isdiidaneyn, weliba marka lagu jiro xilliyadaan xasaasiga ah oo wadanka ay ka jiraan abaaro iyo colaado,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Shirkaan ayaa waxa uu sare u qaadi doona wada-shaqeynta wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee warfaafinta, sidoo kalena wax badan ka tari doona hanaanka wax tabin ee dhinacyada.