Shirka Madasha oo ku dambeynaya 2 midkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka digay waxyaabaha la saadaalinio iney kasoo baxaan shirka madasha wadatashiga qaran ee ka socdo magaalada Muqdisho.

Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo kamid ah masuuliyiinta ururada bulshada rayidka ayaa sheegay in labo arin loo badin karo inuu ku dambeeyo natiijada kasoo bixi karta shirka.

Shirwac wuxuu sheegay in xubnaha beesha caalamka ee shirka daneynaya iyo madaxda Soomaalida ineysan iska warqabin oo aysan isla socon, ayna ugu sii daran tahay in Soomaalida aysan hal meel u wada jeedin, beesha caalamkana meel u wada jeedin.

“Caalamkana ma wada socdo, Soomaalidana ma socoto, ciiriri ayaan doorashada ka jira, waxaana laga baqayaa iney labo arin middoo dhacdo”ayuu yiri Shirwac.

Labada arin ayuu ku kala sheegay iney yihiin:-

1 In shirka laga soo saaro wax aysan muuqan ujeedada ka dambeysa oo qoor qabad ah , doorana qoor qabad biyo kuma cabto, kadibna doorasho aan la fahmi karin la sameeyaa.

2 Inuu soo kordhaa qilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaaliya oo haddana ugu dambeyn la dhahaa waqtigaa nagu yar oo sidaan ayaan yeeleynaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com