Shirka madasha Somalia iyo saaxibada beesha caalamka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirka madasha Soomaaliya iyo saaxibada beesha caalamka oo loo yaqaano Somalia Partnership Forum, kaas oo lagu gorfeynayo arrimaha doorashooyinka dalka, ammaanka, horumarada la gaaray bilihii u dambeeyey iyo xaaladaha guud ee dalka.

Shirweynahan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan xubno ka socda beesha caalamka, gaar ahaan safiirada jooga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira dalka ayaa shirkan qeyb ka ah, iyaga ka soo geli doono qadka Internet-ka, gaar ahaan Aaladda Zoom-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan oo qaadan doono hal maalin diirada lagu saarayaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka, horumarada la gaaray iyo qorshayaasha taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa furitaanka shirka ka jeedin doono khudbad dhinacyo badan taababeyso oo ku aadan marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka, halka madaweynayaasha maamul goboleedyadu ay iyaguna khudbado ka jeedin doonaa madasha, maadaama ay uga qeyb-galayaan aalada la’sika arko ee Zoom-ka.

Sanadkan wuxuu shirka ku soo aaday, xilki Soomaaliya ay ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana la’isku diyaarinayo doorashada soo socota ee 2020/21-ka.

Halkan hoose ka aqriso ajendaha shirka: