Yaa baajiyey shirka madax goboleedyada ee Garowe?

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegay in dib loo dhigay shirka madaxda maamul goboleedyada ay ku leeyihiin gudaha magaaladaasi, kaas oo lagu waday inuu furmo beri oo Talaado ah, kuna beegan 21-ka bishani September.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa innoo sheegay in baaqashada shirka ay timid, kadib soo jeedin ka timid madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maal-mahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu ka waday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Qoor Qoor uu sidoo kale dalbaday in shirka la ballaariyo, si uu ugu biiro ra’iisul wasaaraha, una guddoomiyo shirweynaha ka dhacaya Garoowe.

Madaxda ayaa iska wareysan doono xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, dardar-gelinta doorashooyinka iyo arrimaha amniga ee dalka.

Dib u dhigida furitaanka shirka Garoowe ayaa soo shaac baxday saacado uun, kadib markii ay kulan gaar ah xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah.

Rooble iyo Qoor Qoor ayaa xogta aan helnay waxay sheegeysaa inay kulankaas uga heshiiyeen xorguf u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, shirka ka dhacaya Garoowe ayaa waxaa la iclaamiyey 17-kii bishan, kadib kulan Aaladda Zoom-ka ku yeesheen madax goboleedyada dalka, iyada oo laga reebay Rooble, waxayna taasi dhalisay hadal heyn ku aadan shirkaas oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah.