Shirkadda diyaaradaha ee ETHIOPIAN Airlines oo ku xumeysay Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad tiradooda gaareyso 400 qof oo doonayay iney raacaan Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopia Airlines ayaa ku xayiran magaalada Hargeysa kuwaasi oo tikidhadii shirkadda Ethiopia Airlines Labo Todobaad ka hor goostay, kadib markii lagu wargeliyay iney shaqo bilowday Ethiopia Airline.

Dadkan oo ka walwalsan qasaaraha kasoo gaaray shirkadda diyaaraddaha Ethiopia Airlines ayaa Maamulka Somaliland ugu baaqay iney wax ka qabato dhibaatada ka haysata iyo xanibaada ay ku xaniban yihiin magaalada Hargeysa.

SHirkadda Ethiopian Airlines ayaa go’aankaan ay ku joojisay duulimaadyadii Hargeysa ay ku imaan jirtay aan la ogeyn sababta, hase ahaatee waxaa la leeyahay howlihii garoonka Hargeysa oo weli aan dhameystirneyn.

Ethiopia Airline ayaa dhawaan shaacisay iney dib u bilowday duulimaadyadii ay ku imaan jirtay mudo Sadax sano ka hor garoonka Hargeysa, xiligaasi oo qaraxyo ismiidaamin ah lala beegsaday xafiiskii ay ku laheyd Hargeysa, hase ahaatee markii ay ku dhawaaqday dhawaan iney dib u shaqo bilaabeysa aysan soo caga dhigan Hargeysa diyaarada.

Isha: Warfaafiye.com