Shirkii guddiyada DF iyo dowlad goboleedyada oo heshiis buuxa lagu gaaray

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog aan goor dhow helnay ayaa sheegeysa in heshiis lagu gaaray wada-hadalladii magaalada Baydhaba uga socda guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadi.

Wararka ayaa sheegay in heshiis buuxa laga gaaray dhammaan qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashooyinka dalka.

Qodobada laga heshiiyey ayaa waxaa ka mid ah Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, arrinta Somaliland, gobolka Gedo iyo qoondada haweeenka, sida ay xubno ka mid ah guddiga u sheegeen Caasimada Online.

Gudidga weli wax faah-faahin ah kama bixin qaabka ay xalka uga gaareen qodobadan, iyagoo ku gaabsaday inay madaxda la wadaageen, kuwaas oo heshiiska saxiixi doona.

Guddigii Farsamada ayaa isku raacay in 18-ka bishan ay kulan isugu yimaadaan madaxwaynaha, raii’sul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada, si loo saxiixo wixii lagu heshiiyay.