Shir muhiim ah oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay shir looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan i ka badan 400 oo dhakhaatiir kuwaasoo ka kala yimid dalka iy dibediisa, waxaa furay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in shirkan maanta ka furmay Hotelka City Palaza uu yahay mid muhiim ah, isla markaana la doonayo in looga arrinsado bal heerka caafimaadka ee dalka.

Wuxuu ka codsaday dhakhaatiirka iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qaybgaleysa shirka in looga baahan yahay siddii wax looga qaban lahaa dawooyinka dhacay ee dalka la keeno.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in xukuumadiisa ay hal wasaarad ka dhigi doonto wasaaradda caafimaadka.

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadashay wasiirka adeega bulshadda Dr. Maryan Qaasim, waxaana ay sheegtay in wasaaradeedu ay wax badan ka qabatay in la baaro dawooyinka iyo qalabka caafimaad ee la keeno dalka.

Waxa ay sheegtay in shirkan uu noqon doono mid la doonayo bal in dhakhaatiirta iyo hey’addaha caafimaadka in ay gacan ka geestaan siddii wax looga qaban lahaa dawooyinka dhaca ee dalka la iska keeno.

Ugu dambeen duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa isna sheegay in dhakhaatiirta ka qaybgaleysa shirka in looga baahan yahay siddii ay gacan ugeesan lahaayeen in dalka laga hirgaliyo nidaam caafimaad oo tayo leh.

Shirkan ayaa muddo seddax cisho socon doona, waxaana gabagabadiisa laga saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo qoddobada looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com