Shuruurd yaab leh oo lagu soo rogay dadka magaalada MUQDISHO ka dhoofaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii kadib sameyey buugga caafiimadka, kaas oo ay qadan doonaan muwaadininta ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Muqdisho ee aadaya dalka dibadiisa.

Kulanka xalay ka dhacay magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa loogu hadlay arrinta buugga caafimaadka iyo faa’iidiyoonka uu u leyahay muwaadinin ta Soomaliyeed in ay qaataan.

Buugan ayaa waxaa hirgeliyay waaxda caafimaadka dowladda hoose ee maamulka gobolkan Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolkan Banaadir Ibraahim Cumar (Mahad-Alle) ayaa sheegay in buugga marka hore lagu bilaabayo dadka sanadkaan aadaya xajka, isla markaana qof walba oo soomaali ah una dhoofaya dalka dibadiisa laga doonayo in uu qaato.

Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka waxaa uu sheegay in buugaasi laga qaadan karo goob kasta oo tikid ka laga jaro, isla markaana qiimihiisu uu yahay $10 dollar, waxaana uu sheegay in buugaas loo sameeyay codsi ka yimid shacabka gobolkan Banaadir.

Arrintan ayaa dadka qaar u arkeen mid yaab leh, ayaga oo is-weydiiyey sababta qof dhoofaya buuggan looga rabo, maadaama inta badan la weydiiyo dadka dalka soo galaya, sida caalamka caadi ka ah.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Hoos ka dhageyso codka Mahad-Alle

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com