Sii joogista Al Shabaab oo noqotay dan siyaasadeed – Ujeedka kuwa ka walaacsan kacdoonka iyo Xasan Sheekh

By Abdullahi Osman Farah

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta maxaliga ah ee Soomaalida ayaa qaarkood waxay taaba gelinayaan diidmo la xiriirta in lala diriro kooxda Al-Shabaab. Tobanaan kun oo dad Soomaaliyeed ah ayaa lagu tuhmayaa inay kooxdu dishay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Iyadoo qeybo kamid ah dalka uu ka curtay kacdoonkii ugu weynaa ee lagu diidan yahay kooxda Al-Shabaab, ayaa dhinaca kale waxaa bilowday siyaasiyiin iyo shaqaalahooda kuwaas oo isku dayaya inay leexiyaan ujeedka dagaalka socda.

Al-Shabaab waxaa loo arkaa halista ugu weyn ee maanta ka jirta Soomaaliya. Dalka Soomaaliya oo aan 30 sano laheyn dowlad dhexe oo awood leh wuxuu soo maray marxalo adag. Dagaalo jabhado, mid qabiil, mid hoggaamiye kooxeed iyo mid ururo magacyo badan leh u dhaxeeya ayey Soomaalidu dhadhamisay 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Laakiin waxay badi dadka isku raacsan yihiin inaysan Soomaalidu gaarin heerka ay Al-Shabab gaarsiisay damiir ahaan iyo nooca xasuuqa dhacay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Al-Shabaab waqti dheer oo ay koonfurta Soomaaliya ku sugnaayeen halmar ayey galeen dagaal dhab ah oo caqiido ku dhisan, waana markii ay is-qabteen kooxdii Ahlu Sunna ee gobollada dhexe markaas oo Al-Shabaab laga laayey madax muhiim ah lana gaarsiiyey inay ka caagaan dhulka ay ka taliso ururka Ahlu Sunna.

Dhowr dowladood oo isku badashay maamulka Villa Somalia waxaa la rumeysan yahay n madaxdooda ay ku guul dareysteen inay kooxda si dhab ah ula diriraan. Waa adag tahay inuu guuleysto dagaal uusan hoggaakiisu diyaar u aheyn inuu guusha qiimo u huro.

Raggii iska lahaa fikirka Al-Shabaab waxay beegsadeen oo ay sal dhigteen deegaanada ay ku tuhmayaan inay dadkoodu waxbarasho ahaan dambeeyaan, shaqo la’aanta xooggan tahay, faham diimeedkuna uu ku yar yahay, waana halka ugu badan oo ay ka heleen dhallinyaro ku qanacsan inay is dilaan iyadoo ay sii waarayaan dadkii fikirka hormuudka u ahaa.

Deegaanada dadkoodu leeyihiin faham fiican oo xagga diinta ama ay bulshadu xadaarad ahaan sarreyso ma aadin kooxda Al-Shabaab, waana aragti aan daraasadeeda waqti la gelin si looga baxsado.

Waqti xaadirkaan dadku waxay badi qabaan in la aado dariiq walba oo lagu bixin karo kooxda, in loo midoobo dagaalka, inaan mowduuc siyaasi ah laga dhigin qadiyadaan iyo inay dowladdu qaadato kaalin dhab ah.

Dooda ku saabsan in qabiilo la hubeenaayo waxay u muuqataa mid daciif ah maadaama uusan haddaba jirin qabiil Soomaaliyeed oo bilaa hub ah.

Walaaca ugu weyn waa in Xasan Sheekh iyo Xamza bixin waayaan wax u dhigma shucuurta shacabka Soomaaliyeed oo ay mowduuca fududeystaan sidii dhici jirtay.

Maadaama ay jirto kalmad soo noq-noqotay oo ah Soomaaliya waxaa ugu taariikh fiicnaan doona siyaasigii soo afjara Al-Shabaab, waxaa durba abuurmay siyaasiyiin ka didsan in xilliga lasoo afjarayo kooxda Al-Shabaab iyo muddo xileedka Xasan Sheekh inay isku soo aadaan, waxayna taas badalkeeda door bidayaan inay kooxdu sii joogto, waana sababta ay hadda waqti iyo qarash u gelinayaan in la suurad xumeeyo difaaca shacabka.

Inkastoo ay shaqo fiican u baahan tahay in kooxda laga adkaado, haddana fasirka aragtida siyaasiyiinta dhibsanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa hasii joogto kooxdu ummaddana hasii gumaado si jiritaankoodu uu malaha u caawiyo doorashada xigta, Xasan-na uusan u helin diiwaan wanaagsan.

Diwaanka Xasan Sheekh waxaa ka muhiimsan badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed, siyaasiga aan intaas fahamkiisu gaarina wuxuu kamid yahay dhibaatada taala Soomaaliya.

Markii la joogo Soomaaliya waxaa jiro mowduuc weyn oo falcelintiisu culus tahay waana qabiilka. Al-Shabaab waxaa la sheegaa inay wax badan fahamsanaayeen in dariiqa qura ee looga adkaan karo inuu yahay dagaal dhex mara iyaga iyo qabiilada Soomaaliyeed.

Waxaa muuqata in hadda lasoo gaaray xilligaas ay ka walaacsaneyd kooxdu. Sidii looga faa’ideysan lahaa kacdoonka shacabka, waxaa looga fadhiyaa hoggaanka dowladda dhexe iyo maamullada heer gobol iyadoo siyaasiyiinta ay hor taalo inay bixiyaan fursad lagu tijaabiyo dariiqaan aan weli lagu tijaabin kooxda.