Sidee looga fal-celiyey khudbaddii FARMAAJO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay jeediyey khudbad lama filaan ah, taas oo ay Villa Soomaaliya sii deysay saq-dhexe, waxaana ka dhashay falcelin aad u xoogan.

Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka, heshiiska laga gaaray doorashada, dib u dhiska ciidamada, hannaanka siyaasadda arimaha dibadda iyo arrimo kale, isagoo sidoo kale  fariin uu u diray shacabka.

Sidee looga falceliyey khudbaddiisa?

Dr Maxamuud Maxamed (Culusow) oo ah siyaasi ka faalooda xaaladd Soomaaliya iyo doorashooyinka ayaa faallo uu soo saaray ku sheegay in khudbadda uu jeediyey xalay madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday laga dheehan karay xilkasnimo-xumo, dareen la’aan, daacad darrom xaqiraad iyo is moogeysiin ula kac ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Khudbadda socotay 8da daqiiqo ee 54 ilbiriqsi ee Maxamed Cabdullahi Farmajo, Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday, ka jeediyay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu sharcidarrada ku dhex deggan yahay, waxaa laga dheehan karaa xilkasnimoxumo, dareen la’aan, doqonnimo, marin habaabin, dulleyn, iyo awr ku kacsi dhallinyaro nolol raadis ah, daacad-darro, taagero raadis, xaqiraad, eedeyn, xusuus la’aan ama is moogeysiin ula kac ah,” ayuu ku yiri Faallada Dr Maxamuud Culusow.

Dhankiisa xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu is-hilmaansiiyey in uu aag dagaal ka furey madaxtooyada qaranka, balse uu ka hadlay qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey.

“Qabkii iyo gobonimadii fagaarayaasha caalamiga in la soo celiyey ayuu noo sheegey! Balse wuxuu is-hilmaansiiyey in aag dagaal uu ka furey madaxtooyada qaranka looga talinayey oo uu qabtii soo celiyey!?,: ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasiga Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu Farmaajo u ekaa nin lasoo qasbay, isla-markaana loo soo qoray khudbadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Odayga xalay wuxuu u ekaa nin la soo qasbay oo dhibban, nin hadalkiisa ay soo qoreen kuwo caalam kale ku nool, nin ay la taliyaal u yihiin kuwo god iyo haadaan ka sii tuuraya, nin u afduuban kuwo aan ka naxayn oo ka faa’idaysanaya go’doonka siyaasadeed ee ay galiyeen,” ayuu markale qoraalkiisa sii raaciyey siyaasiga Axmed Macalin Fiqi.

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ayaa sidoo kale ka falceliyey hadalkii madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, wuxuuna yiri “Khudbadda Farmaajo QUWAAXII aan sheegay soo ma noqon?!”.

Si kastaba, khudbadda uu jeediyey Farmaajo ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii