Sidee Maxamed Xuseen u aas-aasay shirkad sanadkii soo xareysa $32 milyan?

Arlington (Caasimada Online) – Ka Maxamed Xuseen ahaan, oo 32 jir ah – ahna jiilka ugu horreeyey ee ku barbaara Maraykanka – kaas oo ah curadka sideed carruur ah oo la dhalatay, wuxuu ta niyo yaraantiisa fariid ku ahaa xirfadda tarjumidda iyo hindisaha hal-abuurrada. 

Isaga iyo walaaladiis waxay ugu warcelin jireen af Ingiriis waalidiintooda, wuxuuna aalaaba ahaa mid u haliila kasbashada lacagta basraaca. Da’diisii 20-meeyada, wuxuu bari jiray Ingiriiska, isaga oo wax ka fududeyn jiray heshiisyada xoolaha Sacuudi Carabiya. Sannadkii 2013-ka, wuxuu Virginia ku aas-aasay Piedmont Global Languages Solutions. 

Shirkadda oo soo xeraysay ku dhawaad $32.5 milyan oo dakhli ah sannadkii 2021, waxaa ka shaqeeya 57 shaqaale. Waxay u sameysaa turjumidda – hadal iyo dhigaal – iyo adeegyada kale ee la xiriira dad ku hadla in ka badan 200 oo luqadood oo ku kala nool 18 dal. Waa shirkad ka shaqeysa suuq dakhligiisu dhan yahay $60.5 bilyan.  

“Aalaaba way ku weyneyd maskaxday noqoshada hal-hindise wax weyn sameeya. Xurnimada maaliyadeedna waa mid aan yaraantaydii jeclaa. Intaan 16 jir noqon ayaan dhameeyey dugsiga sare kuna biiray koleejka; waxaana qorsheeyey inaan aado iskuulka caafimaadka; haddana waxaa iisoo baxday inaan aado Yemen sanandkaygii ugu horreeyey si aan u barto Carabiga muddo sannad ah. Waxaana joogay shan sannadood gudaha Sucuudi Carabiya – aniga oo bartay luqadda Carabiga, diinta iyo falsafadda. Waana halkaas goobtii aan ka ogaaday muhiimadda luqadda sida looga faa’iidaysan karo – jid bayna ii noqotay!” 

“Waxaan bare dhiga afka Ingiriiska ah ka noqday gudaha Sacuudiga – waxaana u kala socdaali jiray dalka oo dhan si aan xiisado uga bixiyo, halkii saac waxaan ku shaqeyn jiray $30. Waana markii aan bilaabay inaan lacag fiican sameeyo.”

“Markii aan si guda-galaba baridda luqadda Ingiriiska, waxaan sii helay codsi shaqo oo iiga imaanaya mashaariic kala duwan sida mareego iyo dhigaallo u baahan in tarjumadda laga caawiyo. Waxaan sidoo kale la shaqeeyey shirkad waaweyn oo dhoofinta xoolaha ka shaqeeeya si aan uga caawiyo xiriirada ay uga baahan yihiin macaamiishooda ku nool Maraykanka.” 

“Markii aan kusoo noqday Maraykanka, waan hubay inaan dooneyn noqoshada dhaqtar. Waan guursaday, waxaana doonay inaan jaamacadayda dhameeyo halkaasna kasii wado howlaha fududeynta iyo maareynta shaqada shirkadayda.”

“Waan sii waday shaqadayda tarjumidda ilaa markii dambe saaxiibkay uu ila wadaagay fursad shaqo oo mashruuc afafka Carabiga iyo Soomaaliga la isku rajumayo. Waana sababta aan ugu dambeyntii u aas-aasay shirkadda. Waana sii waday ilaa aan shaqaale ka qorto hadda kamid ah howlwadeennada shirkadda.” 

“Howlgalkeennu waa inaan hey’adaha ka caawinno inay bulaalaan. Waxaana ka caawinaa suuqgeynta, tababbarad, qoraallada mareegaha; innaga oo sidoo kale hey’adaha dowladda ka saacidayna inaan u tarjunno afafka shisheeye una keeneysa afyaqaanno ku xeeldheer. Waana qasab in hadiyo gooraale, uu tarjumuhu fahmo hadba ereybixinta uu u adeegsado marka la joogo caafimaadka, dhaqaalaha, wax-barashada iyo wixii la halmaala.”  

“Weli waan u korayaa qof ahaan oo magaarin heerkii aan ka rabay luqadaha, waxaan doonayaa inaan saddexda luqadood ee Carabiga, Ingiriiska iyo Soomaaliga aan ku daro labo kale oo caalami ah. Waxaana usii halgamayaa inaan xoojiyo barashada luqadda jireed ee Maraykanka oo aan rumeysnahay inay qeyb ka tahay yoolkayga.”