Sirta ka dambeysa weerarka ka dhanka ah guddoonka golaha wakiilada Puntland

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa suuqa siyaasadda iyo goobaha lagu rogrogo siyaasada Puntland Waxaa aad loogu hadal hayey dagaalo siyaasadeed iyo kuwo joogto ah oo ay madaxtooyada Puntland ku haysay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka Puntland, hadaba maxay tahay sababta keentay in Gudoomiyaha golaha Wakiilada lagu soo qaado weerar siyaasadeed?

Tan iyo Markii Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland loo doortay Mudane, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) waxaa si wayn u muuqatay in golaha Wakiilada Puntland ay gudanayaan waajibaadkooda tastuuriga ah islamarkaasna waxaa meesha ka baxday isku dhexmilnaantii madaxtooyada iyo Baarlamaanka waxaana muuqatay in golaha Baarlamaanku uu Kal-fadhigii 44-aad ee dhawaan soo xirmay uu la yimid ajandeyaal cadcad oo uu kula xisaabtamayo hay’adaha dawlada gaar ahaana golaha wasiirada iyo Garsoorka.

Baarlamaanka ayaa Kalfadhigoodii ugu dambeeyey kaga dooday ajendayaal kaladuwan oo quseeya isla xisaabtanka Golaha wasiirada gaar ahaana habka maamulka Maaliyada waxaana goluhu uu gudi u saaray Maaliyada iyo dhaqaalaha Puntland gudigaas oo golaha horkeenay warbixin ku saabsan xaalada dhaqaale ee Puntland, sidookalena isla xisaabtan dheer kadib waxaa golaha wakiiladu isku raacay in aan la meelmarin xisaabxirkii Maaliyada ee sanadkii hore.

Dhanka kale waxaa Gudoonka Cabdixakiim Dhoobo uu ku guulaystay inuu wax ka badalo gudiyadii baarlamaanka Puntland oo awal ahaa magac-uyaal iska dhisan balse aanan shaqo qaban islamarkaasna qaarkood mudo dheer iska jireen, taasi waxay keentay in ajendayasha Golaha Wakiiladu ay noqdaan kuwo la dardargeliyo islamarkaasna waxaa goluhu uu si wayn uga dooday difaaca gobolada maqan ee Puntland, tayeynta hay’adaha Garsoorka, hormarinta nidaamka maaliyada, la dagaalanka Musuqmaasuqa, hormarinta waxbarashada iyo tayeynta caafimaadka.

Dhamaan arimahaas ayaa golaha wakiilada Puntland ee imika jira ka dhigay mid aanan fadhiid ahayn islamarkaasna aanan madaxtooyada looga soo yeerin habka maamulka golaha sidii horey u dhici jirtay waxaana ay taasi kaliftay in Madaxweynaha Puntland iyo raga ugu dhow dhanka taladu ay dhibsadaan shaqada Baarlmaanka ayna abaabulaan Mooshino iyo Dacaayado ka dhan ah hogaanka golaha Wakiilada.

W/Q: Sheekh Caano Geel
xadeedxaysimo@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid