SIYAASI macneeyey arrin sarbeeb ah oo khudbaddii Xasan Sh ku dhex jirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Madaxda Axsaabta Siyaasiga ee magaalada Muqdisho ka jirta ayaa macneeyey hadallo sarbeeb ah oo ku jiray khudbaddii uu laba maalin ka hor madaxweynaha Soomaaliya u jeediyey xildhibaanada.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in khudbadda uu ka gartay in weli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

“Qof kasta oo siyaasi ah wuu dareemay nuxurka hoose ee laga dha dhasan karay khudbadda, waxaana uu ahaa mid caddeynaya Khilaafka gaamuray ee u dhxeeya labada Mas’uul” ayuu yiri Cabdullaahi oo la hadlay idaacad ku taalla Muqdisho.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa raja beel ka muujiyay in xal loo helo khilaafkaas isagoona hoosta ka xarriiqay in Madaxweynuhu uu yahay caqabad jirta isagoona ku eedeeyay inuusan oggoleyn inuu Ra’iisul wasaaraha u madax banaanado hawshiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in ra’iisul wasaaraha asna uu billaabay xulufeysi beeleed, uusan waxba ka faa’iideyn.

Ka sokow Cabdullahi Sheekh Xasan, shalay ayaa xildhibaanno badan waxa ay baarlamanka ka sheegeen in madaxweynaha si dadban u aflagaadeeyey, ayaga oo ku dhaartay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com