Siyaasigii halboolaha u ahaa ololaha Xasan oo iska xaadiriyey Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele ku sugan Xildhibaan Faarax C/qaadir oo la rumeysan yahay inuu madax u yahay Guddiga ololaha u qaabilsan Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh.

Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa magaalada Jowhar usoo gaaray sidii uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada cusub ee BFS kasoo gali doona dhanka HirShabelle.

Mid kamid ah Ergooyinka Faarax C/qaadir ayaa sheegay inaanu jirin cid la loolameysa Xildhibaan Faarax, haddii ay dhacdana uu mar waliba guuleysan doono.

Faarax ayaa la saadaalinayaa inuu kusoo bixi doono Kursiga Baarlamaanka, waxaana garab taagan Madaxweyne Xassan.

Sidoo kale, Faarax ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jowhar dadaal u gali doona sida uu uga faa’iideysan lahaa Xildhibaanada cusub waxa uuna doonayaa in magaalada Jowhar uu ka laabto isagoo Xassan Sheekh u uruuriyay Xildhibaano farabadan.

Dhinaca kale, Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo xilka Wasiirka Caddaaladda ka soo qabtay Xukuumadda Federalka ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Saaxiibka dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo farabadan kusoo wada jireen Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com