SOOMAALI meel kasta ka filo: Dal aan laga fileyn oo Soomaali lagu xiray

UK (Caasimada Online) Masuuliyiinta dowlada Gambia ayaa xeray labo muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya iyadoo lagu eedeynayo ku luglahaanshaha qiyaano weyn oo ku aadan isgaarsiinta dalkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka dalkaasi.

Cabdirisaaq Hazi iyo Faysal Axmed Jaamc ayaa lagu xeray Talaaladii lasoo dhaafay xafiiska sirdoonka dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay qiyaaneynta shirkadaha isgaarsiinta dalkaasi.

Waxaa la sheegay in si qeexan ay u direen cadadka iyo warbixinada shirkadaha iyagoo adeegsanaya internet-ka iyo wacitaanka taleefanada, iyagoo sameynayay falkaasi todobaadyo badan.

Hayada sirdoonka qaranka ayaa ka sheegtay telefishanka inay jireen caqabado aad u xunka ee dhanka isgaarsiinta iyadoo ay ugu wacan tahay falkaasi ay sameeyeen labada ruux ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Hayada ayaa sidoo kale sheegtay in falkaasi ay kaga shakisan yihiin luminta isgaarsiinta qaranka dalkaasi, laakiin ma uusan aysan sii faahfaahinin heerka ay la egtahay isgaarsinta luntay.

Ruux kale oo seddexaad oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu maqan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Uk

Caasimada@live.com