Somalia oo QM iyo EU-da u gudbisay Dacwad ka dhan ah Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka dacwootay Xukuumada Kenya, waxeyna Dacwadaas u gudbisay Qaramada Midoobey ayadoo Kenya ku eedeeneyso in ay faragalin ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qarama Midoobay ayaa raboor Dacwa ah Farta ka saaray X/Qoramada Midoobay Banki Moon.

Safiirka ayaa Kenya ku Edeeyey in ay Qalalaase ku hayso xasiloonida siyasada Soomaaliya waxayna hurineysaa Fidno Colaada iyo isku dir Bulshada Soomaaliyeed.

Maalintii Shalay ayee aheyd markii u Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Mudane Nuur Cadde u Gudbiyey Midowga Yurub ashtako ka dhan ah dawlada Kenya oo ay Soomaaliya uga cabaneyso Faragalinta Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sadexdii Todobaad oo la soo dhaafay aad u saluugtay ilduufka Siyasadeed ee Dawlada Kenya oo ku wajahan Degaanka Jubbada Hoose iyo Magaalada Kismaayo kuwaas oo ah Dhul Soomaaliyeed Maamulkeeduna u xil ka saaran yahay Dawlada iyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Degaankaas.

Isha: KON