Somaliland oo digniin culus u dirtay wasiir ka tirsan DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga hadashay Kiisaska Coronavirus ee deegaanadeeda oo markasta Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ay ku darsato Liiska kiisaskeeda.

Wasiir kuxigeenka xanaanada xoolaha Somaliland, Yurub Abiib Cabdi oo maanta warbaahinta kula hadleysay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay inay dowladda federaalku ku koobnaato deegaanadeeda, maadama ay Somaliland tahay dal madax-banaan, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasiiradda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay warbixinta maalinlaha ah ee ay wasaaradu soo jeediso, isla markaana ay kusoo hadal qaado Somaliland oo ay sheegtay inay tahay qaran madax-banaan, sida ay tiri.

Yurub ayaa Wasiirada caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur uga digtay inay mardambe soo hadal qaado Somaliland, sida maamulada kale ay uga warbixiso, maadama ay xili hore kala go’een, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Somaliland ayaa iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, iyada oo dalalka caalamku ula tacaamulaan sida maamul ka tirsan Soomaaliya, xili ay ku guuldareystay inay hesho aqoonsi caalami ah