Somaliland oo digniin iyo hanjabaad culus udirtay Puntland iyo ciidamo la…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha Ciidammada Somaliland ee degmada Boocame ee bariga Gobolka Sool, Axmed Jaamac Cartan ayaa fariin adag oo hanjaabada u diray Ciidammada Puntland.

Cartan ayaa sidoo kale wuxuu digniin u diray Odayaasha Puntland oo uu sheegay inay sheeganayaan qeybo kamida dhulka Somaliland, isagoo hoosna u dhigay jiritaanka Ciidan Awood leh oo xilligan ay leedahay dowladda Puntland, wuxuuna yiri

“Imika Ciidan ma jiro ee waxaanu digniin siinaynaa Odayaasha Puntland, waxaanu u soo jeedinaynaa inay ka fogaadaan degmada Boocame iyo dhulkay qayd-qaydanayaan. Waxaanu balan-qaadaynaa in sidaad dhulkayaga u damaacideen inaanu kiina u damaacino, Garoowe-na ay meel inaga dhaxaysa ay noqoto”.

Wuxuuna intaas kusii daray Taliyuhu “Waad aragtaan Ciidankayagu waa heegan, Ciidankii qarankuna heegan weeyaan, haddii aad ka bixi waydaan dhammaan xuduudka Somaliland, waxaanu qaadan doonaa waajibaadkayaga”.

Si Kastaba, Hadalkan taliyaha ayaa kusoo beegmaya xili deeganka Tukaraq ee G/Sanaag ay isku hor fadhiyaan Ciidammada Miletariga ee Somaliland iyo Puntland, kuwaasi oo dhowr jeerna dagaal khasaare badan gestay uu ku dhex maray deegaankaas.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com