SOMALILAND oo 4 qof ku fulisay DIL toogasho ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in maanta ciidanka ammaanka ay toogasho ku fuliyeen illaa 4 nin oo horey dilal uga geystay deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo horey xukun maxkamadeed loogu ridday.

Toogashada ayaa dhacday xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaala gobolka Saaxil, halkaas oo ay tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo dadweyne kale.

Afarta qof ee la toogashada qisaasta ah lagu fuliyey waxaa ka mid ahaa korneyl ka tirsanaa Booliska Somaliland oo horey bartamaha Hargeysa ugu dilay gabar lagu magacaabi jiray Najmo Cabdillaahi Maykal, taas oo ay dilkeeda si xoogan uga caroodeen dadweynaha.

Sidoo kale Somaliland ayaa sii deysay nin kale oo shanaad, isla-markaana ku jiray liiska toogashada balse laga furay tiirka, kadib markii ay heshiis gaareen ehelada labada dhinac.

Qaar ka mid ah madaxda Somaliland ee goobta ka hadashay ayaa farriin adag u diray dadka dambiyada ka geysta magaalooyinka maamulkaas, iyaga oo shaaca ka qaaday in cid weliba oo dil geysata cadaalada la marin doono islamarkaana la geynayo tiirka toogashada.

Somaliland ayaa horey sidan oo kale toogasho uga fulisay deegaannadeeda, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-kaii xabsig Mandheera loogu toogtay lix nin oo iyana lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen maamulkaasi.