Somaliland oo hanjabaad u dirtay qurba joogta aan la dhacsaneyn siyaasadeeda

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay luuqad adag kula hadashay dadka reer Somaliland ee ku nool qurbaha, gaar ahaan kuwa aan la dhacsaneyn hab maamulkeeda ee inta badan mucaarida hogaaminta Muuse Biixi.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay inaysan Somaliland u dulqaadan doonin in dibada laga soo mucaarido, isla markaana deegaanadeeda ay dib ugu soo noqdaan xubnaha mucaaradsan.

Sidoo kale waxa uu Afhayeenku ka dhawaajiyey in Xubnahaasi wax mucaarada ee ku sugan qurbaha in aan loo ogaalan doonin inay gudaha u soo galaan deegaanada Somaliland, iyadoo laga celinayo Madaarada, sida uu sheegay Afhayeenku.

“Inta aad fagaarayaasha la timaadan oo cadowgeenu arkaan dowladdu idinka aqbali-mayso, muddooyinkii u dambeeyayna wey soo badanayeen, haddaad dalka ka deyn weydaan, in aad dalka ka soo dagtaana wan diidi doona, oo Madaarada ayaan idinka xidheyna” ayuu yiri Afhayeenka oo hadal ka jeedinayey Madal ay ku sugnaayeen qurbo-joog badani.

Talaabadan ayaa u muuqata mid Xukuumada Muuse Biixi ay cadaadis weyn ku saareyso dadka qurbo joogta ah ee inta badan dhaliila siyaasada xukuumada, midaasi oo ay u aragto ‘khatar weyn’ oo dibada uga timaada.

Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ayaa inta badan waxa la aaminsan yahay inay Mucaaridka aan la dhacsaneyn siyaasadeeda ay u geysato tacadiyo ka dhana, midaasi oo baalmarsan hanaanka dimuquraadiyada ay ku doodo inay ku dhisan tahay.